Deni iyo Axmed Madoobe oo aan ka qeyb-gelin shirkii maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Cusmaan Abuukar Dubbe, waxaa maanta ka furmay xarunta Afisyoone Center shirkii loo ballansanaa ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada kaas oo lagu gorfeynayay arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkaasi ayuu wasiirku sheegay in ay ka baaqsadeen oo aysan kasoo qeybgalin madaxda maamul-goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kan Jubaland Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe”, waxaana uu rajeynayaa in ay gadaal kaga soo biiri doonaan.

Wasiir Dubbe ayaa intaasi ku daray in shirku uu sii socon doono, maantana ay aheyd oo keliya furitaan.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu jiro khilaaf ba`an oo u dhaxeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda labadan maamul ee shirka maanta ka baaqday.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *