Wararka ka imaanaya dalka Ruushka ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 71 qof ay burburtay waxyar  kaddib markii ay ka kacday garoonka Domodedovo ee duleedka magaalada Moscow.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtaya in Diyaaradaas ay laheyd shirkadda diyaaradaha ee Saratov, mana la helin wali ruux ka bad-baaday shilkaasi .

Diyaaradan oo noocedu yahay Antonov-148 ayaa u safraysay magaalada Orsk ee xadka Ruushka u la wadaago dalka Kazakhstan.

Waxaa lagu soo waramay in diyaaradda ay ku dhacday meel u dhaw magaalada Argunovo oo sideetan kilo mitir kaga began dhanka koonfur bari ee magaalada Moscow.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV