Sarifka doollarka Maraykanka ayaav ku yimid hoos u dhac weyn marka loo eego karoonka Iswidhishka iyadoo la tixraacayo bishii Sebtembar.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay shirkadda ADP, oo ah shirkad maamusha mushaar bixinta, tirada shaqo ee waaxda gaarka loo leeyahay ee Maraykanka ayaa hoos u dhacday 32,000 oo shaqo bishii hore, marka loo eego rajada laga qabo inay korodho 51,000 shaqo.
Tirooyinkan daciifka ah ayaa sababay in doolarku hoos u dhaco marka loo eego lacagaha waaweyn, isagoo hoos ugu dhacay 9.37 Kron Swedish ka dib markii warbixinta la soo saaray.
mudadaasi Kadib waxyar ayay soo kabsatay ka hor inta aanay dib ugu dhicin 9.38 krona wakhtiga lasoo saaray warbixintan.