SPORT: Ciyaaryahan hore Ronaldinho oo xabsiga lagu dhex garaacay

Ronaldinho oo dunida caan ka noqday sannadkii 2002-dii islamarkaana soo ciyaaray 97 ciyaa, una dhaliyay xilkiisa qaranka Brazil 33 gool ayaa muddooyinkan dambe waxa uu ku jiray xabsi ku yaal dalka Paraguay halkaas oo isaga iyo walaalkiis loogu qabtay baasabooro bug ah.

Laacibkan hore oo iminka 40-jirsaday ayaa tareenka ciyaaraka ka dhacay kadib markii ay soo food-saartay busaarad dhaqaale kadib markii ay dowladdu ku yeelatay lacago tiro badan oo canshuureed oo ay ugu dambeyn u xaraashtay xoolihiisa oo guryo u badnaa.

Warar maalmahan soo shaac baxay islamarkaana ku faafay baraha bulshada iyo warbaahinta kale ayaa waxaa ay sheegayaan in Ronaldinho iyo saaxiibkii ay xabsiga ku dhex garaaceen tartan kubadeed labo nin kuwaas oo ka badiyay ciyaartii ay wada dheeleen.

Shan bilood oo iminka soo socota ayaa la sheegayaa in ay kusii jirayaan xabsiga, isaga iyo walaalkii.

Dad ku dhow-dhow laacibkan hore ayaa laga soo xigtay in uu ku dhex “wareersan” yahay xabsiga, islamarkaana ay rajeynayaan in uu xoqrriyaddisa dib u helo.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *