Yoshihide Suga oo 71 jir ah ayay xisbigiisa u doorteen in uu hoggaamiyo islamarkaana uu noqdo ra`iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi Japan kadib is-casilaaddii uu dhawaan shaaciyay Shinzo Abe.

Waxa uu helay 377 cod, isagoona ka guuleystay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Fumio Kishida iyo wasiirkii hore ee difaaca dalkaasi Shigeru Ishiba oo doorashada kula tartameysay.

Shinzo Abe, ra`iisal wasaaraha xilka ka dagaya ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu iska casilayo xilka, isagoona u sababeeyay caafimaadkiisa oo usaamaxeynin in uu xilkaasi sii hayo.

Ninkan cusub ee xilkaasi loo badinayo in qabto ayaa ballan-qaaday in uu sii wadayo dadaalada iyo ballanqaadyada ra`iisal wasaare Shinzo Abe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*