Home Wararka Caalamka Mareykanka oo Kurdiyiinta Ciraaq ku cadaadinaya inay galaan Dagaalka Iran

Mareykanka oo Kurdiyiinta Ciraaq ku cadaadinaya inay galaan Dagaalka Iran

0

Maamulka Mareykanka, ayaa la xiriiray hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee ku sugan Iiraan iyo Ciraaq, isaga oo ka codsaday taageero ku aaddan dadaallada lagu wiiqayo dawladda Iiraan.

Warbixinno la helay ayaa lagu sheegay in Trump uu ballanqaaday taageero militari oo ay ka mid tahay ilaalin hawada ah oo uu Mareykanku bixiyo, haddii kooxaha Kurdiyiinta ee Iiraan ay isku dayaan inay la wareegaan qaybo ka mid ah galbeedka Iiraan.

Sidoo kale, saraakiil Mareykan ah ayaa baaraya suurtagalnimada isbahaysiyo lala sameeyo mucaaradka gudaha Iiraan, xilli uu sare u kacay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo xulafadiisa garabta ah iyo Iiraan. Warbixinta ayaa tilmaantay in Mareykanku uu ka fiirsanayo sidii uu u kordhin lahaa ku lug lahaanshihiisa militari.

Qodob xasaasi ah oo warbixintu shaaca ka qaaday ayaa ahaa in Trump uu hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta Ciraaq iyo Iiraan ku wargeliyey in ay tahay in ay doortaan: “Mareykanka iyo Israa’iil ama Iiraan, ma jirto wax intaa u dhaxeeya.”

Dhanka kale, Maamulka Kurdistan ee Ciraaq ayaa ku dhawaaqay in aysan jirin Kurdiyiin ka gudbay xadka oo u jiheystay Iiraan, kadib markii warbaahinta Mareykanka ay sheegtay in dagaalyahanno Kurdi ah ay duullaan dhulka ah ka bilaabeen gudaha Iiraan. Warbaahinta Rudaw ayaa xaqiijisay in wararkaasi aanay sax ahayn.

Sarkaal ka tirsan isbahaysiga xisbiyada Kurdiyiinta Iiraan ayaa u sheegay Al Jazeera in sheegashada ku saabsan dagaalyahanno Kurdi oo ka bilaabay weerarro dhulka ah gudaha Iiraan ay tahay war been abuur ah, taasoo ka dhan ah warbixinta ay soo saartay warbaahinta Mareykanka ee Fox News.