Hubka loogu talagalay Taiwan ayaa qiimahiisu ka badan yahay $10 bilyan waxaana ku jira gantaalada riddada dhexe, madaafiicda howitzers iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Mareykanka oo ansixiyay hubkii ugu badnaa ee uu ka iibinayo Taiwan
Hubka loogu talagalay Taiwan ayaa qiimahiisu ka badan yahay $10 bilyan waxaana ku jira gantaalada riddada dhexe, madaafiicda howitzers iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Mareykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay xirmo hub ah oo qiimaheedu yahay $11.1 bilyan (€9.45 bilyan) oo loogu talagalay Taiwan, taasoo ka dhigaysa hubkii ugu badnaa abid ee Mareykanka uu ku iibiyo jasiiradda.
Tallaabadan ayaa u badan tahay inay ka careysiiso Shiinaha oo sheeganaya in Taiwan kamid tahay dhulkooda.
Heshiiska hubka ayaa yimid kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan Lin Chia-lung uu safar aan la shaacin ku tagay Washington toddobaadkii hore.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in iibku uu u adeegayo “danaha qaranka, dhaqaalaha, iyo amniga ee Mareykanka isagoo taageeraya dadaallada sii socda ee casriyeynta ciidamadeeda qalabka sida ee Taiwan iyo in la ilaaliyo awood difaaca oo la isku halleyn karo.”
Hubka – oo ay ku jiraan gantaalada riddada dhexe, gantaalada howitzer-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – waa kii labaad ee uu Trump ku taageero Taiwan, waxayna ku soo beegmaysaa iyadoo Shiinuhu uu sii kordhinayo cadaadiska milatari iyo diblomaasiyadeed ee uu saarayo Taiwan.









