Waxaa la filayaa in maamulka Trump uu maanta oo Arbaco ah si rasmi ah ugu dhawaaqo go’aanka canshuuraha.
Shiinaha oo wajahaya canshuuro gaari kara 40%
Dhanka kale, maamulka Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu canshuuraha badeecadaha Shiinaha ka yimaada marka hore gaarsiiyo 20%, taasoo waafaqsan heshiis hore oo dhexmaray Washington iyo Beijing.
Hase yeeshee, ilo sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa ka digay in canshuurahaasi ay gaari karaan ilaa 40%, haddii labada dal ay ku guuldarreystaan inay heshiis cusub ka gaaraan wada-hadallada ganacsiga.
Canshuuraha cusub kuma koobna Midowga Yurub iyo Shiinaha oo keliya, balse waxaa sidoo kale laga yaabaa inay saameeyaan dalalka India, Indonesia, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Switzerland, Taiwan, Thailand iyo Vietnam.
Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelan karta xiriirka ganacsi ee Mareykanka iyo dalal badan oo caalamka ah, iyadoo la sugayo faahfaahinta rasmiga ah ee maamulka Trump.








