Home Wararka Maanta Israil oo Weerar Aar gudasho ah ku Qaaday Iiraan

Israil oo Weerar Aar gudasho ah ku Qaaday Iiraan

0

Israail ayaa weerar gantaal ah waabarigii hore ee Jimacaha maanta ah ka fulisay gudaha Iran, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka, iyada oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Warbixinnada shabakadaha ABC, CBS iyo NPR ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta ama bartilmaameedka gantaalaha Israa’iil.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa VOA u sheegay in uusan wax hadal ah “xilligan” ka bixin karin wararka warbaahinta Mareykanka, saacad kadib markii ay soo baxeen wararka.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in difaaca cirka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah laga hawl galiyay hawada sare ee dhowr gobol.

IRNA iyo wakaaladda wararka dowladda ee Fars, oo xiriir la leh ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa soo xigatay ilo wareed aan la magacaabin, iyagoo sheegay in qarax uu ka dhacay gobolka Isfahan ee bartamaha Iran.

Israa’iil ayaa uga digtay Iran inay ka aargoosan doonto duullaan aan horay loo arag oo Iran ay ku qaadday dhulka Israa’iil Axaddii hore.

Iran ayaa iyaduna ka digtay in weerar kasta oo aargoosi ah oo Israa’iil ah lagala kulmi doono jawaab degdeg ah oo adag.

Previous articleQodobada halista ah ee ku jira heshiiska Soomaaliya ay la gashay Imaaraadka Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here