Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta shaaca ka qaaday in mar afaraad uu isu soo sharraxayo xilka madaxweyne ee dalkaasi kaas oo ay doorashadiisu dhaceyso sannadka soo socda ee 2018.

Mr. Putin oo iminka 65 jir ah ayaa xilka dalkaasi soo hayay tan iyo sannadkii 2000, waxaana uu isugu badalayay madaxweyne iyo r/wasaare.

Haddii uu ku guuleysto mar afaraad xilka madaxweyne ayaa waxaa ay ka dhignaan doontaa in uu haynayo xilkaasi ilaa sannadka 2024-ta. Sharciga dalka Ruushka ayaa dhigaya in ruuxii jagada madaxweyne ku guuleysta uu haynayo mudo lix sano ah.

Hadalka ayuu maanta ka sheegay kulan uu kala qeyb-galay shaqaale kuwaas oo aad usoo dhoweeyay go`aankiisa in uu mar afaraad isa soo sharraxayo.

Vladimir Putin ayay boqolkiina dadka dalkiisu aad u jecel yihiin, waxaana ay ku jeclaadeen go`aanada adag ee uu qaato iyo waliba in uusan cid uga daba fariisan danta dalka Ruushka iyo go` aanka shacabkiisa.

One Comment

  1. Geesi, geesi dhalay. Waan jeclahay ninkaan, wallaahi.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*