Home Wararka Maanta Erdogan: “Waxaan jarnay xiriirkii naga dhaxeeyey Israa’iil, dhammaantiisba waa jarnay”

Erdogan: “Waxaan jarnay xiriirkii naga dhaxeeyey Israa’iil, dhammaantiisba waa jarnay”

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo khudbad ka jeediyay shirka 5-aad ee golaha baarlamaanka ee Qudus, si gaarana uga hadlayey xiriirka dalkiisa iyo Israa’iil ayaa yiri “Waxaan jarnay xiriirkii aan la lahayn Israa’iil, gaar ahaan dhanka ganacsiga, waanan jaraynaa”.

Erdogan waxa uu ku dooday in dunida Carabta oo ka kooban laba bilyan oo qof “ay si guul leh ugu gudbi karin tijaabada Qasa”.

Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waqti dheer ka hor xasuuqii Qasa, waxaanu horeba u joojinay shixnadaha alaabta loo isticmaali karo ujeedooyinka militariga, waxaanu ku xoojinay hab-dhaqankan go’aanka xayiraadda dhoofinta ee aanu qaadanay 9-kii Abriil.”

Madaxweyne Erdogan ayaa markale Xamaas ugu yeeray “Xoogagga Qaranka Falastiin”.

Wuxuu intaa ku daray in Turkigu, Xamaas u arko inay yihiin ciidanka qaranka Falastiin.

Muxuu yahay dalabka Xamaas ay ka heshay Israa’iil ee la ogaaday?

Xamaas ayaa sheegtay in ay heshay jawaabta rasmiga ah ee Israa’iil Sabtidii lasoo dhaafay soo jeedinteedii ugu dambeysay ee xabbad joojinta ayna daraasad ku sameyn doonto ka hor inta aysan jawaabteeda gudbin, ku xigeenka madaxa kooxda ayaa sidaas ku sheegay hadal uu soo saaray.

“Xamas waxay heshay jawaabta rasmiga ah ee Israa’iil, ee soo jeedinta ay soo bandhigeen Masar iyo dhexdhexaadiyayaasha Qatar 13-kii April,” Khaliil Al-Hayya, oo hadda fadhigiisu yahay Qatar, ayaa sidaas ku sheegay bayaan ay kooxdu daabacday.

Ka dib in ka badan lix bilood oo ay Israa’iil dagaal kula jirtay ururka Xamaas ee Qasa, wada-xaajoodyadu wali waa kuwo aan is-af-garad lahayn, iyadoo Xamaas ay ku adkaysanayso dalabaadkeeda oo ah in heshiis kasta oo la gaarayo ii noqdo mid gabi ahaanba joojiya dagaalka.

Wafdi ka socda Masar ayaa booqday Israa’iil si ay ugala hadlaan mas’uuliyiinta Israa’iil Jimcihii, iyagoo raadinaya qaab ay dib ugu billaabaan wadahadallada si loo dhammeeyo khilaafka iyo soo celinta la haystayaashii ku haray gacanta Hamaas, kuwaas oo Xamaas qabsadeen markii ay gudaha u galeen magaalooyinka Israa’iil 7-dii Oktoobar, sida uu sheegay sarkaal ka hadlay kulammadaas.

Mas’uulkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Israa’iil aysan hayn hindise cusub oo ay samayso, inkastoo ay diyaar u tahay in la tixgeliyo xabbad-joojin xaddidan oo lagu sii daayo 33 la haystayaal ah oo Xamaas ay ku sii dayn lahayd qorshaha xabad joojinta.

Khamiistii, Maraykanka iyo 17 dal oo kale ayaa ka codsaday Xamaas inay sii daayaan dhammaan dadka ay afduubka u haystaan si ay u noqoto waddo lagu soo afjaro colaada mudda ka badan lix bilood ka socota Qasa, taas oo dhalisay xaalad adag oo bini’aadannimo sida ay sheegeen haya’addaha Qaramada Midoobay.

Xamaas ayaa wacad ku martay in aysan ka laaban doonin cadaadiska caalamiga ah balse bayaan ay soo saartay Jimcihii ayay ku sheegtay in ay u furan tahay fikrad kasta ama soo jeedin kasta oo tixgelinaysa baahida iyo xuquuqda dadkeena.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku adkaysatay shuruudaheeda muhiimka ah ee ay horey Israa’iil u diiday, waxayna dhaleecaysay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Maraykanka iyo kuwa kale ee aan ku baaqin xabbad-joojin joogto ah iyo ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qasa.

La taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan, ayaa sheegay Jimcihii in uu arkay dardar cusub oo wadahadal ah oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna soo celinayo la haystayaasha haray.

Isaga oo soo xiganaya laba sarkaal oo Israa’iil ah, warsidaha Axios,ee Maraykana ayaa sheegay in Israa’iil ay u sheegtay dhexdhexaadiyayaasha Masar Jimcihii in ay diyaar u tahay in ay wadahadal ka furto la haystayaasha “fursad u dambaysa” si ay heshiis ula gaarto Xamaas ka hor inta aysan u dhaqaaqin duulaanka Rafax, halkaas oo hada gabaad magangalyo u ah ku dhawaad hal milyan. Falastiiniyiinta oo hore uga soo cararay ciidamada Israa’iil dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay waqooyiga Qasa.

Dhinaca kale, magaalada Rafax, saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday guri ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalyahannada Xamaas ayaa gudaha u galay magaalooyinka Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, halka 253 ay qafaasheen. Israa’iil ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto Xamaas weerar ay ku dhinteen in ka badan 34,000 oo Falastiiniyiin ah.

Previous articleWasiirka Amniga Israel oo dhaawacmay xilli uu kasoo laabtay goob Weerar ka dhacay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here