Home Wararka Maanta Faahfaahin Saciid Deni oo ku guuleystay arrin weyn oo la xiriirta khilaafka...

Faahfaahin Saciid Deni oo ku guuleystay arrin weyn oo la xiriirta khilaafka Xasan Sheekh

0

Muddo kahor waxay u badan tahay in aad ogeyn in Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay ku kala maqan yihiin dano gaar ah oo siyaasadeed, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu kursigii ra’iisul wasaaraha la aaday jiho uusan fileynin Saciid Deni.

Sidoo kalena Saciid Deni laga qadiyay mirihii dagaalkii lala galay Farmaajo oo ah xukunka iyo xoolaha ay maanta haystaan Xasan Sheekh iyo kooxdiisa. Laakiin maanta xaalku halkii ma joogo.

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ku guuleystay inuu reer Puntland si buuxda ugu qanciyo in dagaalka Xasan Sheekh uu yahay mid uu deegaanka iyo beesha halkaa degan kula jiro. Waxay u muuqata inay tani si weyn ugu shaqeyso Saciid Deni, waxaana ku caddeynaya laba tallaabo oo waaweyn oo Saciid Deni qaaday oo ay dhamaan ku raaceen ama aanay ku diidin hor-weynta siyaasadeed ee Puntland.

Iyada oo horey loo ogaa sida uu Saciid Deni xilligii doorashadiisa u sariftay colaadda kala dhaxeysa Xasan Sheekh, taas oo u goysay inuu dib ugu soo laabto kursiga, haddana sida ay hor-weynta siyaasadeed ee Puntland u taageereen ama aanay u diidin laba tallaabo oo waaweyn oo Saciid Deni qaaday waxay caddeysay in Deni uu ku guuleystay in khilaafkii isaga iyo Xasan Sheekh ku guuleystay inuu ka dhigo mid ay reer Puntland u dhan yihiin.

1. Heshiiskii Puntland iyo dowladda Itoobiya

Iyada oo uu taagan yahay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya in Puntland oo ah maamul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu Itoobiya heshiis ula galo sida dowlad madax-banaan waxay aheyd arrin ka yaabisay inta badan bulshada Soomaalida, laakiin reer Puntland si weyn ayay badankood tallaabadaasi ugu taageereen maamulka Saciid Deni.

Waxaa la sugaayay jawaabta ay arrintaasi ka bixin doonaan siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland oo ay ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi iyo ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland, balse waxaa yaab aheyd in aanay qofna tallaabadaasi ku khilaafin Saciid Deni.

2. Go’aanka udhaqanka sida dowlad madax-banaan

Midda labaad waa go’aanka Saciid Deni ku sheegay inay usii dhaqmayaan sida dowlad madax-banaan oo ay kalsoonidiina kala laabteen dowladda federaalka. Isna ma yeelan diidmo badan oo madaxdii hore ee Puntland iyo guud ahaan siyaasiyiinta waaweyn ee deegaankaasina kuma khilaafin Saciid Deni.

Marka la eego sida ay labadaasi arrin uga aamuseen ama u taageereen siyaasiyiinta iyo shacabka reer Puntland waxa ugu fudud ee lagala dhex bixi karo waa in Saciid Deni uu ku guuleystay in khilaafkii isaga iyo Xasan Sheekh u beddelay mid ay la qabaan dhamaan reer Puntland oo ay arrintu tahay dagaal reer Puntland iyo Xasan Sheekh u dhaxeeya.

Inuu Saciid Deni middaasi ku guuleysto dowladda federaalka ayaa sababteeda qeyb ku leh, taas oo ayadu isku mashquulin inay reer Puntland kale soo dhaweysato marka Saciid Deni laga reebo oo ay dowladnimadana ka siiso wax u qalma miisaanka ay dadka deegaanadaasi ku leeyihiin dowladda dhexe.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni inuu kasoo gudbay marxaladdii loo arkayay inay isaga iyo Xasan Sheekh gaar isku hayaan waxay u tahay wax weyn. Halka Xasan Sheekh ay culeys ku tahay in loo arko nin diidan deegaan gaar ah, wax badan ayayna ka haleyn kartaa diiwaankiisa iyo shaqooyinka horyaalla maanta oo ay ugu horreyso isku haynta dalka iyo mideynta doorashooyinka.
Previous articleCiidanka Danab oo dilay xubno ka tirsan Al shabaab, nololna ku soo qabtay kuwo kale (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here