Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaabkii ugu Badnaa oo Soo Dhoobtay Duleedka Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaabkii ugu Badnaa oo Soo Dhoobtay Duleedka Muqdisho

0

naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay xoogaga Al-Shabaab soo buux dhaafiyeen aagga degmada Balcad oo qiyaastii 35 kiilo mitiri u jira caasimada dalka.

Guddoomiyaha maamulkaasi degmadaasi oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe Qaasim Furdug ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaabkii ugu badnaa ay soo gaareen duleedka Balcad.

Qaasim Furdug ayaa xusay in haatan maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku uruursanayaan deegaannada hoos yimaada degmada, loona baahan yahay in laga hortego.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha yimid aaggaas ay ka yimaadeen dhinaca Shabeelaha Hoose, ayna doonayaan inay isku fidiyaan qaybo kamid ah HirShabelle.

Guddoomiyaha degmada Balcad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab ee soo gaaray duleeda Muqdisho, gaar ahaan Balcad ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay isticmaalayaan diyaarado Drones ah oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka codsaday inay dadajiso howlgallo looga hortegayo dhaq-dhaqaaqa ay kooxda ka billowday halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana cabsi ay soo wajahday dadka deegaanka ee ku dhaqan degmada Balcad, maadaama ay soo korortay xiisad cusub.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar toos ah oo qaraxyo ku billowday ku qaaday gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaase dib u celiyay oo dagala kala hortegay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Previous articleWar Deg Deg ah: Madaxweyne Xasan Shiikh oo isugu yeeray Madaxda Maamul Gobeeleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here