Maraykanka ayaa soo saaray digniintiisii ugu sarreysay ee safarka, Heerka 4aad ee ah “Ha Safrin”, taas oo lagu dabaqay in ka badan 20 dal, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, sababo la xiriira khataro amni oo aad u daran, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Heerkan, oo ah kan ugu sarreeya nidaamka afar-heer ee digniinaha safarka, ayaa lagu dabaqaa xaalado ay jiraan khataro naf-gooyo ah, isla markaana ay xaddidan tahay ama gebi ahaanba suurtagal noqon karto awoodda safaaradaha Maraykanka ee caawinta muwaadiniintooda.
Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa muwaadiniinta Maraykanka ee horey ugu sugan dalalkan ugu baaqday inay ka baxaan sida ugu dhaqsaha badan ee ammaan ahaan suuragal ah.
Digniintan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira colaadaha hubeysan, falalka argagixisanimo, qalalaase bulsho, dambiyo baahsan iyo adeegyo dadweyne oo liita, kuwaas oo khatar gelin kara badbaadada safarrada isla markaana xaddidi kara awoodda dowladda ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah.
Maraykanka ayaa sheegay in duruufahan ay si weyn u wiiqayaan amniga guud, isla markaana ay adkeynayaan in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo muwaadiniinta ku sugan dalalka la tilmaamay.
Warkan ayaa kusoo beegmay, xilli uu dhawaan Maraykanka soo saaray liiska ugu yaraan 30 dal oo muwaadiniintiisa uu ka mamnuucay inay soo galaan Maraykanka, isagoo u sababeeyay inay khatar ku yihiin amniga dalkiisa.






