British Isis militant Ibrahim Hussein identified in video

Ma jiro muwaaddin Britain u dhashay oo u soo dagaallamay kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah oo loo oggolaanayo inuu dalka ku soo laabto, sidaa waxaa yiri xoghayaha difaaca.

Wareysi uu la yeeshay wargeyska Daily Mail, ayuu Gavin Williamson ku yiri: “Aragtideydu waxay tahay in argagixiye dhintay uusan wax dhib ah u geysan karin Britain.”

Wuxuu sheegay inay tahay in wax walba la sameeyo si loo burburiyo loona cirrib tiro khatartaas.

Ugu yaraan 800 oo UK u dhashay ayaa aaday dalalka Siiriya iyo Ciraaqsi ay ugu dagaallamaan IS, iyadoo 130 ka mid ah dadkaasi lagu dilay dagaalka.

Williamson, oo qabtay xilka xoghayaha difaaca bishii la soo dhaafay, ayaa wargeyska u sheegay: “Ma aaminsani in argagixiye kasta, haddey u dhasheen dalkan iyo haddey dal kale ka soo jeedaanba in loo oggolaado inay dalkan dib ugu soo laabtaan.”

Dagaal-yahannada Britain u dhashay ee u qaxay dalalka kale ayuu sidoo kale sheegay in la qaban doono oo aan loo oggolaan doonin in UK ku laabtaan. Wuxuu intaas raaciyay in sidoo kale aysan jirin meel ay ku badbaadayaan oo dibadda ku taalla.

Sidoo kale wasiirka horumarinta caalamiga ah Rory Stewart, ayaa sheegay in habka keliya loola dhaqmayo dagaal-yahannada Daacish ee UK u dhashay kuna sugan Siiriya ay tahay in la dilo.

Feker ta aka duwan waxaa qaba Max Hill QC, oo ah falanqeeyaha madaxa bannaan ee sharciga argagixisannimada, wuxuu sheegay in muwaaddiniinta Britain ee ugu biiray Daacish iyagoo aan waxba ogeyn inay tahay inaan la ciqaabin oo taa beddelkeeda marka ay soo laabtaan lagu dhex daro bulshada.

Labo sano kahor, dowladda dalkaasi ayaa warqad saddex-sadar ka kooban u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyaodo ku codsaneysa in la dilo xagjirka ka soo jeeda magaalada Cardiff Reyaad Khan.

Dowladda ayaa sheegtay in dilkaasi uu ahaa mid sharci ah oo ku dhisan is-difaacid, maaddaama 21-jirkaasi uu hagayay weerarro hubeysan.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*