Home Wararka Maanta Xalaada Itoobiya oo Cakiran iyo Maraykanka Oo Ciidamada Itoobiya Eedayn Culu u...

Xalaada Itoobiya oo Cakiran iyo Maraykanka Oo Ciidamada Itoobiya Eedayn Culu u jeediyay

0

Mareykanka ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixin ku saabsan xaaladda Itoobiya oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faah-faahiyay xad-gudubyo ka dhan ah dadka rayidka ee ay ka qeyb qaateen ciidmada Itoobiya sannadkii 2023.

Warbixinta ayaa waxay muujineysaa in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaateen falal arxan darro ah oo isagu jira dil, kufsi, dhac, xarig sharci darro ah iyo caburinta siyaasiyiinta iyo wariyaasha.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu sheegay in dadka rayidka lagu qasbay in ay ka cararaan deegaanadooda kadib markii lagu sameeyay midab takoor.

Ciidamada ammaanka Itoobiya ayaa ka qeyb qaatay dilka 23 qof oo rayid ah, kuwaasi oo lagu dilay goob qura ah oo ka tirsan gobolka Oromada, horraanta bishii January ee sannadkii tegay.

Waxa jira saxafiyiin iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda siyaasadda Abiy Axmed oo lagu xiray goobo qarsoodi ah, iyaga oo aan lasoo taagin maxkamad sidoo kalena loo diiday inay la kulmaan qoysaskooda.

Qaramada Midoobay ayaa iyadna dhankeeda xaqiijisay in dowladda federaalka Itoobiya ay ku fashilantay inay wax ka qabato xad-gudubyada lagula kacayo dadka aan waxba galabsan.

Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Itoobiya iyo xaaaladaha bani’aadinimo ayaa keentay in beesha caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wada-hadal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed, si loo ilaaliyo dadka rayidka.

Previous articleSOMDA oo Gaartay Baydhabo Xili la Filaayo Roobab Ma Hiigaan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here