Ciyaaryahan maxkamad la tiigsanaya naadigiisa kadib culeys dhaqaale oo soo food-saaray

Ciyaaryahan Johan Djourou iyo sagaal kale oo asxaabtiisa ah ayaa waxaa ay maxkamad la tiigsanayaan naadigooda FC Sion sababo la xiriira mushaarka oo ay hoos uga dhigtay ciyaartooyda sababo la xiriira hoos u dhac dhaqaale oo kasoo gaaray cudurka coronavirus.

Laacibkan oo intii u dhaxeysay  2003 ilaa 2014 u soo ciyaarayay kooxda Arsenal ayaanan ku qancin farriinta mushaar-dhimis ee ay koodiisa soo gaarsiisay, waxaana isaga iyo dhowr ciyaartooy oo kale kuwaas oo diiday ay kooxdu ka eriday naadiga.

Madaxa naadiga FC Sion oo ka dhisan dalka Griiga Christian Constantin ayaa sheegay in ay la daalaa-dhacayaan dhaqaalexumo, sababtaasna ay keentay in ay mushaarka ka jaraan ciyaartoysa, ruuxii aan ku qancina ay u furntahay in uu isaga tago kooxda.

Djourou ayaa dhankiisa sheegay in eryida la eryay eysan wax shaqo ah ku laheyn dhaqaale-xumo balse ay ka dambeyso siyaasad kale.

Dhibaatada dhaqaale ee ay sheeganeyso kooxda FC Sion ayaa waxaa ay sidoo kale haysataa kooxo kale oo waaweyn sida Barcelona iwm, waxaana ay iyana mushaar-dhimis ku sameeyeen ciyaartooydooda.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *