ARCHIV – 30.08.2019, Italien, Rom: Silvio Berlusconi, ehemaliger Premierminister von Italien. (zu dpa “Italiens Ex-Regierungschef Berlusconi wegen Corona im Krankenhaus”) Foto: Roberto Monaldo/LaPresse via ZUMA Press/dpa +++ dpa-Bildfunk +++

Ra`iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi, oo 83 jir ah, ayaa xalay ku baryay isbitaal ku yaalla Milan si baaritaan loogu sameeyo kaddib markii laga helay coronavirus.

Xisbigiisa garabka midig ee Forza Italia ayaa sheegay in xaaladdiisa aysan ahayn mid walaac dhalineysa, isla markaana “uu fiican yahay”.

Sidoo kale labo ka mid ah carruurtiisa ayuu fayrasku ku dhacay Arbacadii, kaddib markii ay fasax u aadeen Sardinia, oo uu fayrasku aad ugu badan yahay.

Khamiistii wuxuu ku sugnaa meel u dhow Milan.

Berlusconi ayaa xalay loo gudbiyay xarun karantiil oo ku taalla Isbitaalka San Raffaele.

Goor sii horreysay dhaqtarkiisa gaarka ah ayaa sheegay in Silvio ay ka muuqdaan calaamadaha xanuunka.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in sidoo kale xaaska Berlusconiuu ku dhacay xanuunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*