Ramli Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka ciyaaraha feerka ee ka socday magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa looga adkaaday tartanka.

Maria Claudia Nechita oo ka socotay dalka Romania ayaa uga guuleystay feerkan xilli ay dhexmartay ciyaar adag.

Ramla oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynaysa dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada.

Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku guuleystayb tartanka feerka, waxay noqontay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah ee ku guuleystay feer dalka Britain.

Wixii ka dambeeyay guushaas waxay go’aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olimbikada gaar ahaan feerka.