Iyadoo maalmahan la isla dhex-marayay halka uu ku dambeyn doono ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentina Lionel Messi (34-jir) islamarkaana u ciyaara kooxda Barcelona kaas oo la sheegay in uu ka tagayo kooxdaasi.

Waxaa uu si rasmi ah maanta shaaca uga qaaday macsalaameynta kooxdiisa FC Barcelona xilli uu shir jaraa`id qabtay.

Messi ayaa ku ooyay shir jaraa`idka, waxa uuna muujiyay sida uu uga xunyahay ka tegidda kooxdiisa uu madada dheer usoo ciyaarayay.

” – Maanta waa in aan macsalaameeyaa Barcelona, muddo 21 sano ayaan la joogay, laga soo bilaabo in 13-jirkeyga. Waa qeyb ka mid ah qoyskeyga”, ayuu yiri Messi.

Ciyaaryahan Messi afkiisa kama uusan caddeyn in uu kusii jeedo kooxaha Fransiika ka dhisan ee PSG, laakiin waxaa loo badinayaa in uu iyaga ka mid noqon doono.

Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Messi asxaabtiisa ay garoonka kusoo wada ciyaareen iyo taageerayaasha.