Home Wararka Caalamka Ukraine oo Sheegatay Masuuliyada Maraakiib Ruush Ah oo Lagu Weeraray Libiya

Ukraine oo Sheegatay Masuuliyada Maraakiib Ruush Ah oo Lagu Weeraray Libiya

0
In this screen grab from a video provided by the Security Service of Ukraine on Monday, Nov. 23, 2026, a Ukrainian Sea Baby suicide drone attacks the Russian cargo ship MV Angara near Benghazi, Libya. (Security Service of Ukraine via AP) MAL108

Dowladda Ukraine ayaa maanta oo Isniin ah sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday laba markab oo laga leeyahay dalka Ruushka, kuwaas oo ku sugnaa dekedda Benghazi ee dalka Liibiya.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay quusiyeen markabka dagaalka ee Ruushka ee lagu magacaabo Mercury, kaas oo ka mid ah maraakiibta cusub ee Ruushka, isla markaana ciidanka badda Ruushka lagu daray sannadkii 2023.

Zelensky ayaa sheegay in weerarka lagu fuliyay toddobo doonyood oo aan cidina saarnayn (Drones), kuwaas oo ay Ukraine samaysay, laguna beegsaday markabka meel u dhow xeebaha Liibiya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in bartilmaameedka labaad uu ahaa markabka xamuulka ee Ruushka ee Angara, kaas oo uu ku eedeeyay in Ruushku u adeegsado gaadiidka hubka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa qoraal uu ku baahiyay barta Telegram ku sheegay in weerarka sidoo kale lagu burburiyay diyaarad helicopter dagaal oo nooca Ka-27 ah oo laga leeyahay Ruushka, taas oo la socotay markabka dagaalka.

Ka hor inta aysan Ukraine sheegan mas’uuliyadda weerarka, Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay weerarka, waxayna ku baaqday in la sameeyo baaritaan madax-bannaan, lana ixtiraamo madax-bannaanida dalka Liibiya.