Home Wararka Maanta Wararka Hirshabeelle Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle oo ku Geeriyooday Qaahira

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle oo ku Geeriyooday Qaahira

0

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar isagoo 65 sano jir.

Cali Cabdullahi Cosoble oo xanuun loogu qaaday dalka Masar ayaa waxaa geeridiisa bartiisa Facebook ku baahiyay walaalkii Khaalid Cabdullahi Cosoble.

Allaha unaxariiste Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka 15-kii June sannadkii 1961-dii, isagoo waxbarashadda hoose, dhexe iyo sare ku dhameystay Muqdisho.

Cosoble ayaa  heerka jaamacadda wax ka bartay Jaamacadda Sam Houston State University ee dalka Mareykanka; isagoo  bartay cilmiga beeraha iyo dhaqaalaha.

ka hor inta aysan burburin dowladii dhexe ee Soomaaliya Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka soo shaqeeyay bangigii Horumarinta Soomaaliya iyo hay’adda Oxfam.

Allaha unaxariiste Cali Cabdullahi Cosoble ayaa xildhibaan ka noqday dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2004–2012.

Xukuumadii KMG aheyd  ee ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa Cali Cabdullahi Cosoble u magacowday wasiirka waxbarashadda Soomaaliya.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulka Hirshabeelle ayaa loo doortay 17-kii Oktoobar sannadkii 2016-kii.

Ugu dambeyntii geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay siyaasiyiin, aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Ad