Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay dalka wafdigii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka dib booqasho 3 maalmood ah oo ay ku tageen dalka Kenya, halkaas oo ay kula kulmee madaxweynaha Kenya, mas’uuliyiin kale, Jaaliyadda Soomaalidaa ee Kenya iyo wakiillada beesha caalamka.

Wafdiga ra`iisal wasaaraha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.