Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah:- Madaxweyne Lafta Gareen oo shaaciyay inuu si rasmi...

War Deg Deg Ah:- Madaxweyne Lafta Gareen oo shaaciyay inuu si rasmi ah isaga casilay xilkiisa, kaddibna u duulay magaalada Nayroobi

0

Madaxweynihii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha, sida uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Go’aankan ayaa imaanaya saacado kaddib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ee la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ay gudaha u galaan magaalada Baydhabo.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa ka hor inta uusan is-casilin wuxuu ku simaha madaxweynaha u magacaabay wasiirkiisii maaliyadda, Axmed Maxamed Xuseen, si uu u sii hayo hoggaanka maamulka ilaa laga gaarayo xal kama dambeys ah oo siyaasadeed.

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay, Lafta Gareen iyo guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Siciid Fiqi, ayaa u duulay magaalada Nairobi, iyagoo diiday inay u safraan Muqdisho iskuna dhiibaan dowladda dhexe.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in wada-hadallo ka dhacay madaxtooyada Baydhabo ay Dowladda Federaalka u ogolaatay Lafta Gareen inuu ka baxo magaalada, balse lagu xiray shuruud ah inuu marka hore iska casilo xilka isla markaana uu ku wareejiyo  wasiirka maaliyadda, inta laga qabanayo doorasho.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa muddo 7 sano maamulayay Koonfur Galbeed, waxaana dad badan la yaab ku noqotay in saacado gduaheed talada looga tuuro.

Maalmo ka hor Lafta Gareen ayaa loo doortay madaxweyne, kaddib doorasho si deg deg aah loo abaabulay, taasoo loo malaynayo in ay sii xoojissay faragalinta Dowladda Federaalka.