Home Wararka Caalamka Israa’iil iyo guud ahaan Qaza oo ka Socdaan Dabaal-degyo ka dib sii...

Israa’iil iyo guud ahaan Qaza oo ka Socdaan Dabaal-degyo ka dib sii deynta maxaabiista

0

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in “Ducadii malaayiin qof la aqbalay” ka dib markii heshiis nabadeed oo Gaza laga gaaray lagu saxiixay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Masar.

Mr Trump oo ah shaqsiga ugu mudnaa shirka ka dhacay Sharm el-Sheikh isaga iyo hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar, iyo Turkiga – oo dhamaantood gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiiska xabbad-joojinta, ayaa saxiixay heshiiska.

Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa sheegay in wejiga labaad ee qorshaha wadahadallada nabadeed ee Gaza uu hadda socdo.

Dhanka kale, dabaaldegyo ayaa ka dhacay guud ahaan Israel iyo dhulka Falastiin ka dib is-weydaarsigii maxaabiista iyo dadkii la haystay ee Isniintii.

Sii dayntu waxay u dhacday sida qorshuhu ahaa, laakiin qaar ka mid ah dadka Israa’iil ayaa muujiyay caro ka dib markii Xamaas ay soo celisay meydadka afar qof oo kaliya oo ka mid ah dadkii dhintay ee la haystay.