Wasiirkii wasaaradda arrimaha deg degga ee Ruushka, Yevgeny Zinichev, ayaa geeriyooday xilli uu ku guda jiray jimicsi uu ku sameynayay magaalada dhinaca waqooyi ku taalla ee Norilsk.

Bayaan ay soo saartay wasaaraddiisa ayaa lagu yiri: “Yevgeny Zinichev waxa uu dhintay isagoo badbaadinaya nolosha qof kale.”

Telefishinka lagu magacaabo Russia Today ayaa shaaciyay in Zinichev uu geeriyooday isagoo badbaadinaya sawir qaade la yiraahdo Alexander Melnik, xilli uu bixinayay wareysi.

Warka ayaa lagu sheegay in “Wasiirka iyo sawir qaadaha labaduba ay taagnaayeen meel gebi dheer qarkiisa ah. Sawir qaadihii ayaa meesha ka dhacay wuxuuna ku dhex dhacay biyo… kaddib Zinichev ayaa ka daba booday sawir qaadaha dhacay, waxa uuna geeriyooday kaddib markii uu madaxa ku dhacay dhagax.”

Warbaahinta Ruushka ayaa tabisay in sawir qaadaha – oo qudhiisa geeriyooday – uu ku howlanaa duubista barnaamij dukumintari ah oo ku saabsan waxbarashada.

Jimicsiga uu wasiirka sameynayay ayaa ahaa mid ay dad badan ka qayb qaadanayeen.

Mar uu Talaadadii ka hadlayay isla jimicsigaas ayuu yiri: “Waa mid aan la sii qorsheynin.”

“Marka la eego qaabka loo sameynayo jimicsiga, dhulka lagu sameynayo iyo dadka ka qeyb qaadanaya, waa jimicsi aan noociisa horay loo arkin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yevgeny Zinichev.

Waxaa lagu soo warramay in jimicsigaas ay ka qayb qaadanayeen kumannaan qof, uuna yahay mid uu amray madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Moscow, oo lagu magacaabo Dmitry Peskov, ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay geerida wasiirka.

Ka hor geeridiisa, waxa uu booqday koox gurmadka deg degga ah ka shaqeysa oo ku sugan magaalada Norilsk iyo xarun dab damis ah.

Yevgeny Zinichev, oo ahaa 55 jir, waxaa xilka wasiirnimada loo magacaabay 21-kii bishii January ee sanadkii 2020-kii, waxa uuna ka mid ahaa shakhsiyaadka aad ugu dhow Putin.

Wasaaraddan waxa uu ka howl galayay tan iyo sanadkii 2018-kii.

Zinichev waxa uu mar ka mid ahaan jiray ilaalada khaaska ah ee madaxweyne Vladimir Putin, ka hor inta uusan wasiirka noqonin.