Jeremiah Shane Farmer

Nin gang ah oo sano hore xabsi dheer loogu xukumay dil uu geystay ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga yahay ruuxa xabsiga ku dhex weeraray fannaanka caanka ah Robert Sylvester Kelly (53-jir) oo ku magac dheer R Kelly.

Gangahan wax weeraray oo lagu magacaabo Jeremiah Shane Farmer ayaa sheegay sheegay in uu ku xanaaqay fannaanka, sidaasna uu ugu galay xabsigiisa uuna ku dhex feeray.

R Kelly ayaa ku xiran xabsi ku yaal magaalada Chigago, waxaana loo haystaa fal-dambiyeedyo kufsi ah.

Sbuucii hore ayay aheyd markii mid ka mid ah qareenadiisa ay sheegeen in kiliyentigooda lagu dhex weeraray xabsigiisa.

One Comment

  1. Pingback: Maxbuuskii xabsiga ku dhex weeraray fannaan R Kelly oo magac iyo muuqaalkiisa lasoo bandhigay - Ilo Wareed - | Ilo Wareed -

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*