Warar is-khilaafsan oo kasoo baxaya xaaladda caafimaad ee Kim Jong-Un kaddib qalliin lagu sameeyay

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa warbaahinta CNN u sheegay in xaaladda caafimaad ee hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kum Jong-un ay aad u liidato kadib markii qalliin caafimaad lagu sameeyay dhawaan.

Sirdoonkan ayaa sheegay in hoggaamiye Kim qalliinka dhanka wadnaha ah lagu sameeyay 12-ka bishan April, waxaana cabashadiisa dhanka wadnaha ah soo bilaabatay bishii Agosto ee sannadkii tagay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in culeyskan dhanka wadnaha uu uu mr. Kim kaga yimid dhanka sigaarka oo uu aad u cabo, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Dowladda jaarka la ah ee Koonfurta Kuuriya ayaa dhankeeda ka gaabsatay xaqiijinta warkan, waxaana ay sheegtay in ay baarayaal balse wali ay xaaladdu u muuqato sideedii hore.

Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka xukuumadda Washington ayaa warkan la xiriira caafimaadka Kim heshay isbuucii hore, waxaana ay sii qoreen in haddiiba uu nool yahay Kim ay xaaladdiisa caafimaad aad u liidato.

Sirdoonka Mareykanka ayaanan xaqiijin karin in uu nool yahay amaba xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay Kim, balse waxa ay sii saadaalinayaan cida badeli karta ama la qorsheynayo in lagu baddelo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *