Orodyahanka soomaaliga ah ee u orda dalka Ingriiska Mo Farah ayaa shalay oo jimco ah dhigay rikoor cusub kadib markii uu ka qeyb-galay tartan orod oo lagu qabtay caasimadda dalka Biljum-ka ee Brussels.

Mo Farah oo 37 jir ah ayaa saacad gudeheed ku cararay 21.330 oo mitir, waxaana ay arintaasi u saamaxday in uu dhigo rikoor cusub.

” – Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta dhigay rikoor cusub”, ayuu warbaahinta ki yiri MoFarah kadib tartanka.

Farah ayaa orodkaas oo dhan waxaa uu la ordayay soomaali kale oo lagu magacaabo Bashir Abdi  kaas oo u ordayay dalka Biljum-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*