Home Wararka Caalamka Iran oo Soo Bandhigtay Qorshe 14 Qodob ah iyadoo Ka Jawaabaysa Soo...

Iran oo Soo Bandhigtay Qorshe 14 Qodob ah iyadoo Ka Jawaabaysa Soo Jeedinta Mareykanka

0
Iran foreign minister Abbas Araghchi, lookd on during a press conference at the Lutfi Krdar Congress Center on the sideline of the 51st session of the Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC), in Istanbul on June 22, 2025. Iran's Foreign Minister Abbas Araghchi on June 22, 2025 condemned US attacks on key nuclear sites as "outrageous" and said his country has a right to defend its sovereignty. "The events this morning are outrageous and will have everlasting consequences," he posted on X, adding that the attacks were "lawless and criminal" behaviour. (Photo by OZAN KOSE / AFP) (Photo by OZAN KOSE/AFP via Getty Images)

Tehran — Mas’uuliyiinta Iran ayaa si weyn uga taxaddaraya inay shaaciyaan faahfaahinta jawaabta ay Tehran ka bixisay soo jeedinta Mareykanka ee loo sii marsiiyay dhexdhexaadiyeyaasha.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Iran ay dirtay jawaabteeda galinkii dambe ee maanta, iyadoo mowqifkeeda laga dheehan karo qorshe ka kooban 14 qodob oo diiradda saaraya wadahadallo loo maro heerar kala duwan.

Sida ay Iran sheegtay, wejiga koowaad wuxuu yahay in la gaaro heshiis si buuxda loo soo afjaro dagaalka, iyadoo la helayo dammaanad cad oo xaqiijinaysa inuusan mar kale dib u bilaaban doonin.

Kadib arrintaas, Tehran waxay sheegtay inay diyaar u tahay in laga wada hadlo xaaladda marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Strait of Hormuz, halkaas oo Iran ay soo jeedisay hannaan cusub oo lagu maamulo amniga iyo isu socodka maraakiibta.

Wejiga xiga ee qorshaha Iran ayaa la sheegay inuu yahay qodobka ugu adag ee wadaxaajoodyada, kaas oo quseeya barnaamijka nukliyeerka Iran iyo kaydka uranium-ka si heer sare ah loo kobciyey.

Si kastaba, Iran ayaa caddeysay in waqtigan aan miiska saarneyn barnaamijkeeda nukliyeerka, gantaallada riddada dheer, iyo arrimo kale oo militari.