Nin lacag badan ku gatay funaanad uu ka siibtay ex-ciyaaryahan Maradona 30 sano ka hor

Ciyaaryahan kasoo jeeda dalka Talyaaniga oo ay isku lood ahaayeen ciyaaryahankii reer Argentin Diego Maradona ayaa waxa uu lacag ka badan nus milyuun dollar uu ku gatay funaanad uu ka siibtay Maradona soddon sanadood ka hor.

Ciyaaryahankan reer talyaani oo lagu magacaabo Ciro Ferrara islamarkaan u dheeli jiray kooxda Napoli ayay waxa ay isku koox u wada ciyaari jereen Maradona sanaddii 1987 – 1990, waxaana ciyaar saaxiibtenimo oo ay wada dheeleen dalalka Italy iyo Argentina oo ay labadan koox kasoo kala jeedaan ayaa waxaa ay markii ciyaarta dhammaatay uu ka badeshay funaanadda Ciro Ferrara ciyaaryahan Maradona.

Tan iyo markaas oo ay kasoo wareegatay muddo ka badan 30 sannadood ayaa waxa uu iminka iibiyay Ferrara funaanaddii Maradona taas oo uu siistay lacag lagu sheegay 55.000 euro oo u dhiganta ku dhawaad 60-kun oo dollar ama la badan.

Lacagtaas ayuu ex-laacibkan ugu tabarucay wasaaradda caafimaadka dalka Talyaaniga si ay ula tacaasho cudurka coronavirus oo dalkaasi faro ba`an ku haya.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *