Sida ay qorayaan warbaahinta, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xalay loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19, xilli maamulkiisa iyo ololihiisa doorashadu ay ka shaqeynayaan sidii ay wax uga beddeli lahaayeen xaaladdan cusub ee soo korortay.

Qiyaastii 17 saacadood ayaa laga joogaa markii shaaca laga qaaday in madaxweynaha iyo xaaskiisa laga helay cudurka coronavirus.

Markii cisbitaalka loo qaadayey, madaxweynaha ayaa isaga oo si aayar u socda ka soo baxay Aqalka, xilli ay sugeysay dayuurad helicopter ah oo u qaadday cisbitaalka militariga ee Walter Reed oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee duleedka magaalada Washigton, DC.

Madaxweyne Trump ayaa dhowrka maalmood ee soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo cisbitaalka ku taalla, taxadar dartii, sida ay sheegtay xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*