Wararka ka imaanaya magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi isbuucii hore ay usoo guureen amiirka dalka Ingriiska Prins Harry (35), marwadiisa Meghan (38) iyo waliba wiilkooda yar Archie (11 bilood jir).

Qoyskan reer boqor ayaa kasoo guuday dalka Canada oo ay daganaayeen tan iyo dhammaadkii sano hore, xilligaas oo ay kasoo caroodeen dalkooda Britain arrimo qoyska reer boqor dhexdooda ah.

Muddo gaaban ka hor ayaa waxaa soo ifbaxay warar sheegayay in dowadda dalka Canada ay shaacisay in ey ska wareejindoonto masuuliyadda amni ee qoyska Harry islamarkaana ay isaga isku tashan doonaan kharash ahaan wixii amnigooda ku baxayo.

Ma cadda in sababtan ay lug ku leedahay guuritaanka Amiir Harry iyo qoyskiisa.

Xaaskiisa Meghan ayaa iyadu ah muwaadin Mareykan ah, waxaana ay horay u daganaan jirtay magaalada Los Angeles.