Itoobiya ayaa diidday in diyaarado ay dul maraan biyo-xireenka Nile, sida laga soo xigtay website gaar loo leeyahay.

Agaasimaha guud ee waaxda duullimaadyada korneel Col Wesenyeleh Hunegnaw, ayaa barta Reporter u sheegay in wada tashi ay la sameeyeen waaxda ammaanka kaddib, la joojiyay in diyaarado ay dul maraan gobolka Benishangul-Gumuz [waqooyi-galbeed Itoobiya] halkaas oo ah meesha laga dhisayo biyo-xireenka,” ayaa lagu sheegay warbixinta website-ka.

Wuxuu sheegay in diyaaradaha rakaabka iyo kuwa alaabta aan midna loo oggolaan doonin inay dul maraan biyo-xireenka, balse xaaladaha qaar ayaa loo oggolaan doonaa.

Madaxa Waaxda duulimaadyada rayidka ee dalka Itoobiya ayaa BBC u sheegay in wax iska caadi ah ay tahay in Itoobiya ay mamnuucdo duulimaadyada dulmara mashaariicda waawayn .

Dowladda Itoobiya ayaa mashruuca biya xireenkani oo ay ku baxayso $4.8bilyan u aragta mid muhiim u ah kobaca dhaqaalaheeda.

Balse waxaa muran xooggan u masruucan ka dhex dhaliyay dalalka Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Saddexdani dal oo dhamaantood wadaaga wabiga Nile ayaa u arka in biya xareenkani wayn uu yareynayo biyaha ay isticmaalaan.

Saraaiisha sarsare ee Militariga dalka Itoboobiya oo uu ka mid yahay abaanduulaha ciidamada cirka Maj-Gen Yilma Merdasa ayaa horey u sheegay in ay difaaci doonaan biya xireenka haddii la soo weeraro.

Hadalkaasi waa calaaamd muujinaysa sida uu mashruucani uu muranka uga dhaliyay gobolka.

Biya-xireenka laga dhalinayo korantada ee ugu wayn Afrika

Biyaxireenkan ayaa soo saari doona koranto 12 bilood ee soo socota, sida uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegtay madaxwaynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde.

Bishii July ayaa waxaa lagu dhawaaqay in la bilaabay buuxinta biya-xireenka islamarkana 5 billyan oo cubic metres oo biya ah lagu shubay biya xireenka.

Marka biya xireenkan la dhameeyo waxaa uu noqon doonaa biya-xireenka koranto ee ugu wayn qaaradda Afrika islamarkana waxaa uu koranto siin doonaa 65 milyan oo shacabka Itobiya ah.

Balse dalka Masar ayaa gabi ahaanba ku tiirsan biyaha wabiga Nile oo uu ah isha kali ah ee ay biyaha ka helaan.

Horraantii sanadkan, wadahadalo xiriir ahaa oo ay magaalada Washinton ku yeesheen saddexda dal ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Balse waxaa wali dadaalo wada ururka midowga Afrika oo doonaya in khilaafka dhinacyadan xal loo helo.

Dowladda Sudan ayaa kaddib sheegtay in biyaha wabiga ay hoos u dhaceen ka db markii ay dowladda Itoobiya bilawday buuxinta Biya-xireenka.

Mareykanka ayaa dhankiisa horey ugu hanjabay in dhaqaalihii ay siin jireen dowladda Itoobiya ay ka jari doonaan.

“Mareykanka waxaa uu marar badan horey walaaca uga muujiyay in la bilaabo buuxinta biya-xireenka ilaa la qaado dhammaan tallaabooyiinka ku haboon ee dhanka bad-qabka ,” waxaa sidaasi wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ka soo xigatay wakaalada wararka ee Reuters.

Waxyeelo ma u geysanayaa Wabiga Nile?

Muranka ugu weyn ee biya-xirenkaasi ka dhashay ee ay isku mari la’yihiin waddamada Masar, Suudaan iyo Itoobiya waxay tahay sida ay Itoobiya u maareyneyso biyaha biya-xireenka xilliga ay abaaruhu dhacaan.

Waddamada Masar iyo Suudaan waxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u gudbiyeen inuu soo fara geliyo si xal looga gaaro khilaafka hareeyey biya xireenka ay Itoobiya Nile ka dhiseyso.

Labada dal ee Masar iyo Itoobiyana waxay ka dhawaajiyeen haddii loo baahdo iney qaadayaan tallaabbo militari oo ay danahooda gaarka ah ku difaacanayaan, iyada oo ay khubaraduna cabsi ay ka muujiyeen haddi muranka heshiis laga gaari waayo ay arrintan dalalka u horseedi karto isku dhac milatari.

Joseph Siegle, oo ah agaasimaha xaruunta cilmi-baadhista Afrika ee jaamacadda Difaaca Qaranka, Wuxuu Itoobiya ugu baaqay iney “mowqifkeeda wax ka beddesho”.

“Itoobiya ayaa cadaadis xooggan kala kulantay doonitaankeedii ahaa labada bilood ee soo socda ee xilli roobaadka iney billaawdo keydinta biyaha. Biya-xireenkanna wuxuu si weyn uu u sameynayaa biya xireenka weyn ee Masar ee Aswan,” ayuu yiri Siegle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*