Derek Chauvin (44-jir) oo ah ninkii booliska ahaa ee gacantiisa ku dilay George Floyd ayaa xalay laga sii daayay xabsiga kadib markii uu bixiyay lagac madaxfurasho ah oo lagu xukumay.

Lacagtan oo gaareysay hal milyan oo dollar ayaa lagu soo warramayaa in shalay oo arbaca ah la bixiyay.

Shuruudda ku xuran siideyntiisa ayaa waxaa ka mid ah in la heli karo markii loo baahdo iyo in haddii maxkamadda looga yeero uu tagayo.

Bisha Maarso ee sannadka soo socda ayaa loo ballansan yahay dhageysiga dacwadda kiiskan.

Darek ayaa waxaa dilka George Floyd kula eedeysan saddex askari oo kala kuwaas oo kala ah J. Alexander Kueng ,Thomas Lane iyo Tou Thao waxaana saddexda kale horay iyana loogu siidaayay lacag madaxfurasho ah oo gaareysa min 750-kun oo dollar.

Derek Chauvin 

25-kii bisha Maarso ee sannadkan ayay aheyd markii uu ka dhacay magaalada Minneapolis dilka ninkna madow ee George Floyd kaas oo ka dhaliyay dalka Mareykanka dibedbaxyo rabshado wata.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*