Dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ayaa shaacisay xanuunka uu u geeriyooday Alle ha u naxariistee ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr kaas oo ku geeriyoday shalay magaalada Jig-jiga ee xarunta dowlad deegaanka soomaalida.

Waxaa la sheegay in lagu sameeyay baarintaan maydka marxuumka, kadibna la ogaaday in uu qabay caabuqa Covid19, waxaana sidaasi warbaahinta  u sheegay wasiir ku-xigeenka caafimaadka deegaanka  Mukhtaar Yuusuf.

Magaalada Jig jiga oo uu dhawaan tagay marxuumku ayaa la sheegay in uu ku xanuunsaday, waxaana xanuunka uu ahaa sida la sheegay mid soo booddo ah, oo haleeley markii uu tagay Magaaladaas.

Maydka marxuumka ayaa waxaa loo soo qaadi doonaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaaliya si aas qaran loogu sameeyo, waxaana sidaas warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka caafimaadka deegaanka  Soomaalida Mukhtaar Yuusuf, xilli ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maaxmed Xuseen Rooble uu magacaabay Gguddi ka shaqayn doona aaska Marxuumka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*