Sida soo shaac baxeysa Philip Manshaus oo ah ninkii weerarka fashilmay sano hore ka geystay masjidka al-Noor ee duleedka magaalada Oslo ayaa waxaa uu damacsanaa in uu weerar gaari uu u adeegsanayo oo uu dadka ku jiirsiinayo in uu ka geysto xaafadda soomaalida iyo ajnabiga kale u badan tahay ee Grønland.

Qoraal laga helay gurigiisa ayaa laga soo xigtay, waxaana uu damaciisa koowaad ahaa in uu weerarka Grønland geysto balse waa uu isbeddalay kadib markii uu waxyaalo badan isku dhuftay sida, xarunta booliska ugu weyn ay ku taal Grøndland islamarkaana uu boolisku aad ugu badan yahay xaafaddaasi iyagoo dhar cad ah iyo iyagoo muuqda, intaba.

Waxa uu weerarka Grøndland uga dhigtay damaciisa ugu horreeya ayaa qoraalka ku sheegay in ay tahay goob uu ku leyn karo dhallinyaro badan oo ajaanib ah.

Markii dambe ayaa badalay qorshihiisa, waxaana uu u weeciyay dhankaas iyo masjidka al-noor oo deegaan ahaan isaga u dhowaa.

Weerarkiisa masjidka ayuu ku aadiyay maalin Jimco ah, balse waxaa uu kasoo hormaray xilliga khudbada oo ay masjidku joogeen jameeco aad u yar.

Labo nin oo ka mid ah jameecada masjidka ayaa fashiliyay weerarkiisa, waxaana ay kula dhageen qoryaha iyagoona ugu dambeyn dhulka ku hayay ilaa boolisku ka yimaadaan.