Home Wararka Maanta Shirkii Xasan Shiikh ugu Baaqay Maamul Goboleedyada oo Baaqday

Shirkii Xasan Shiikh ugu Baaqay Maamul Goboleedyada oo Baaqday

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu baaqday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu balansanaa inuu Muqdisho ka furmo berri oo Sabti ah 20-ka Abriil.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirkaas dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh uu berri u baaqday arrimo farsamo.

“Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Ilaa hadda dowladda ma shaacin sababta loo baajiyey shirkaas iyo halka ay howshu iska qaban la’dahay, sidoo kale markii hore si weyn looma baahin oo Pageska xafiisyada dowladda laguma baahin warqadii lagu iclaamiyey shirkaan.

Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa sii kala fogaanaya, waxaana suurtagal ah in sababta shirkaan uu u qabsoomi waayey ay taasi ugu horeyso.

Inkastoo Saciid Deni lagu bilaabay warqadii lagu casuumay madaxda gobollada, hadana waxaa si buuxda loo saadaalinayey in Muqdisho uusan imaa doonin, maadaama ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh, tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa la soo werinayaa inay qabaan cabasho la xiriirta dastuurka, kuwaas oo qaarkood ka cagajiiday inay ka soo qeyb galaan shirka uu iclaamiyey Xasan Sheekh, inkastoo madaxda qaar ay Muqdisho joogaan, sida Axmed Qoor Qoor.

Previous articleWar Deg Deg ah: Xiisadii Dabdamiska oo Biya Qabow lagu Shubay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here