Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud (Maxamed Hagi) u magacaabay inuu ahaado Safiir buuxa oo idman (Extraordinary and Plenipotentiary) oo Somaliland u fadhiya dalka Israa’iil, kadib markii ay Israa’iil si buuxda u aqoonsatay Somaliland 26 December 2025.
Safiirkan ayaa leh dhammaan haybadda, awoodaha, xuquuqaha iyo waajibaadka ku xusan xilkaas, si waafaqsan Dastuurka Somaliland, xeerarka u yaalla, iyo qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadda, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.
Magacaabistan ayaa imanaysa xilli la filayo in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu galo marxalad cusub, iyadoo wararku ay sheegayaan in labada dhinac ay qorsheynayaan ballaadhinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, hal-abuurka, maaraynta biyaha iyo amniga gobolka.
Ilaa hadda, Israa’iil si rasmi ah uma shaacin magacaabista safiir u fadhiya Somaliland, balse ilo ku dhow arrimaha diblomaasiyadda ayaa tilmaamaya in la filayo tallaabo u dhiganta tan Somaliland, taas oo muujin karta is-weydaarsi safiirro oo buuxa.
Warbaahinta qaarkeed ayaa sidoo kale werisay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu qorsheynayo booqasho rasmi ah oo uu ku tago Israa’iil dabayaaqada bisha March. Haddii safarkaasi qabsoomo, waxa la filayaa in ay ka mid noqdaan kulamo heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashi anay dowlada Soomaaliya raali ka ahayn oo dhexmara labada dhinac.
Lama shaacin illaa hadda jadwal rasmi ah oo la xidhiidha booqashadaas, sidoo kalena ma cadda waqtiga safiirka cusub uu waraaqihiisa aqoonsiga ku gudbin doono Tel Aviv.
Danjire Maxamed Hagi ayaa hore usoo noqday Wakiilka Somaliland ee Taiwan, isaga oo Taipei loo wareejiyay markii uu bilowday xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan sannadkii 2020, sidoo kale hadda waxa uu ahaa lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland u qaabilsan arrimaha dibadda.








