Maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay laba nin oo lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii taliyihii ciidamada Gorgor Dhamme Maxamed Suleymaan Abuukar iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo ka dhacay Muqdisho bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay.

Labada nin ee dilka lagu xukumay ayaa ka kala tirsan ciidanka milatariga iyo booliiska, waxaana ay kala yihiin Dable Xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim.

Maxkamadda milatariga ayaa laba kale oo ka mid ah ilaalada hoteelka Maa’ida ku xukuntay min shan sano oo xarig ah isla kiiskaas.

Dilka ayaa ka dhacay bar kontorool markii ilaalada hoteelka Maa’ida ay rasaasta ku fureen taliyaha iyo ilaaladiisa.