Xeeldheerayaal la socda dhaq-dhaqaaqa kooxda Daacish ama ISIS ee mar ka arrimin jiray qeybo ka mid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya islamarkaana dowlad islaami ah ka hirgeliyay ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxdaasi ay dib isu abaabuleyso ayna ka faa`iideysanayaan cudurka caalamka saameeyay ee COVID-19.

Waxa maalmihii u dambeeyay baraha bulshada lasoo dhigayay muuqaalo luujinaya kooxdaasi oo abaabul askareyn iyo tababarro wada.

Dalka Ciraaq oo ay dib-u-abaabulka ka bilaabeen Daacish ayay uga faa`iideysteen ciidamadii la dagaalami jiray oo loo weeciyay dhankaas iyo la dagaallanka coronavirus iyo in ay ilaaliyaan bandowga shacabka lagu soo rogay si loo yareeyo faafidda cudurka corona.

Xeel-dheerayaasha ayaa ka digay in haddii uu cudurkani iyo bandowyadu sii socdaan in kooxdaasi ay awood ku yeelan doonto muddo kooban gudeheeda.

Daacish ayaa dagaal uu Mareykanku horkacayo looga adkaaday dalalka Ciraaq iyo Suuriya labo sano ka hor.