Home Wararka Maanta Shacabka Muqdisho oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Shacabka Muqdisho oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0

Boqolaal dadweyne ah ayaa fiidnimadii Axadda isugu soo baxay xaafado kala duwan oo ka mid ah caasimadda Muqdisho, kuwaas oo ka mudaaharaaday tallaabada Israa’iil ay si hal-dhinac ah ugu aqoonsatay Somaliland, arrin si weyn loogu tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha, oo watay calanka Soomaaliya kuna dhawaaqayay halku-dhigyo diiddan gooni-goosadka, ayaa si cad u muujiyay taageeradooda midnimada qaranka, iyagoo ku baaqay in la iska caabiyo faragelin kasta oo shisheeye.

Ciidamada ammaanka ayaa la geeyay goobta ay dibadbaxyada ka dhacayeen gaar ahaan Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho iyadoo mudaharaadyaashu ay ahaayeen kuwo inta badan nabad ah ku dhawaaqayay erayo Israa’iil ka dhan ah.

Intii bannaanbaxyadu socdeen, fannaanadda caanka ah Xaawo Daggan ayaa hadal si weyn u qiiro geliyay dadweynaha ka jeedisay fagaaraha, iyadoo tiri:

“Dagaal ayaan diyaar u nahay, walaalaheen la qalday waxaan leenahay soo noqda, Soomaaliya kalama go’ayo.”

Hadalkan ayaa sacab iyo taageero xooggan ka helay dibadbaxayaasha, kuwaas oo u arkay farriin ku wajahan midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Dibadbaxayaal kale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u taagan yihiin difaaca dhulkooda hooyo, islamarkaana ay si buuxda u diidan yihiin aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, oo ay ku sifeeyeen mid hurin kara qalalaase cusub oo gobolka ah.

Bannaanbaxyadan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan falcelinta gudaha iyo tan caalamiga ah ee ka dhalatay go’aanka Israa’iil, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horey u shaacisay in aqoonsigaasi yahay mid sharci-darro ah oo aan waxba ka beddelayn midnimada dhuleed ee dalka.

Shacabka Muqdisho ayaa muujiyay midnimo, inkasta oo ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo amni, haddana midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga tanaasuli karin.