Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa markale ugu hanjabay in uu dhaqaalaha uu dalkiisa siiyo hay`adda caafimaadka adduunka ee WHO ka jaranayo ilaa abid sababo la xiriira in hay`addaasi ay ay xilli hore ka digin cudurka corona islamarkaana ay la safan tahay dalkasi Shiinaha marka ay noqoto arrinta cudurka coronavirus.

Warqad uu u diray madaxa hay`addaasi ayuu Trump ugu hanjabay in uu gebi-ahaanba xannibi doono deeqda uu dalkiisa siiyo hay`addaasi hadii eysan muddo 30 maalmood ah wax uga badali weyso hab-dhaqankeeda.

450 milyan oo dollar ayuu sheegay madaxweyne Trump in uu sannadkii ku taageero dalkiisa hay`adda WHO, waxaana uu intaasi raaciyay in dalkiisu yahay dalka ugu badan ee deeqda siiya hay`addaasi.

Donald Trump ayaa ku eedeeynaya hay`adda WHO in eysan eysan siin dalkiisa qiimeynta uu ka mudan yahay, waxaana uu intaasi ku daray in hay`addu isu badashay mid u adeegta Shiinaha.

Si kastaba, horay ayuu Trumo ugu hanjabay in uu dhaqaalaha ka hakin doono hay`adda WHO, balse hanjabaadiisan cusub ayuu ku sheegay in uu si toos ah oo abid ah uga jari doono dhaqaalaha.