Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Mareykanka iyo Isreal, sababo la xiriira qorshaha ay Israel damacsantahay in ay ku qabsato kuna deegaameyso deegaanno hor leh oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Qorshahan cusub ee ay Israel damacsantahay ayaa dhigaya in boqolkiiba 60 ay ku qabsato deegaanada daanta galbeed islamarkaana ay ku deegaameyso.

” Laga bilaabo maanta, waxaa ay xukuumadda Falastiin iyo isbiga PLO uu ka laabanaa dhammaan wixii heshiis ah ee ay la galeen dowladaha Mareykanka iyo Israel”, sidaa waxaa lagu yiri war kasoo baxay xukuumadda oo laga siidaayay wakaaladda warar Falastiin ee Wafa.

Mareykanka iyo Israel ayaa si wada jir ah u dajiyay qorshahan lagu qabsanayo dhulka reer Falastiin, waana qorshihii loogu magac daray “Trump’s Plan for the Middle East“.

Maxadweyne Cabbaas ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israel ay dusha u diran doonaan masuuliyadda, cawaaqibka ka dhasha qorshahan lagu “boobayo” dhulka reer Falastiin.