Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxayo heshiiska muhiimka ee oggolaanayey diyaaradaha aan hubeysneen iney hawada waddamada heshiiska saxiixay ay si xor ah u dul maraan, heshiiskasi oo loo yaqaanno ‘Open Sky Treaty’.

Heshiiskan oo 2002 hirgalay ayaa loo diyaariyey si waddamada saxiixay dhexdooda looga abuuro kalsooni ah iney hawada iska soo weerarin.

Mas’uul sare oo dowladda Mareykanka ka tirsan wuxuu sheegay inuu dalkiisu uu heshiiskan uga baxayo maadaamaa uu Ruushka marara badan uu ku xadgudbay heshiiskaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu isna sheegay in la joogo “fursaddi ugu wanaagsaneyd oo heshiis cusub” lala geli lahaa Ruushka.

“Waxaan u maleynayaa inaan xiriir wanaagsan la leennahay Ruushka, balse Ruushka ma noqon mid heshiiskaasi u hoggaansamo, ilaa ay heshiiskaasi si dhab ah ugu hoggaansamayaanna heshiiska waan ka baxeynaa” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykankana waxay sheegeen iney Washington heshiiska 6 bilood gudahood kaga baxeyso.

35 dal oo ay ka mid yihiin dalalka Ruushka, Canada iyo Britain ayaa heshiiskan qayb ka ah.

Ruushka siduu uga jawaabay?

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka oo ka soo horjeesatay hadalka ka soo yeeray Mareykanka ayaa sheegtay ineysan iyadu heshiiskaasi ku xadgudbin, ka bixitaanka heshiiska uu Mareykanka sheegayna ay noqon doontaa “mid uu aad uga qoomameeyo”, waxayna wasaaraddu intaa ku dartay maamulka Trump inuu mar weliba “uu carqaladeeyo heshiisyada xakameeynta hubka” ee horay loo gaaray.

“Waan ka soo horjeedna sababta uu Mareykanka ku sheegay inuu heshiiskana muhiimka ah uu kaga baxayo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Ruushka Alexander Grushko oo u warramay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti.

“Ma jirto wax naga horistaagi kara wadahadallada farsamada la xiriira, balse Mareykanka sida uu u soo dhigay Ruushka inuu ku xadgudbay ay tahay mid khaldan,” ayuuna sii raaciyey.

Wuxuuna intaa ku daray heshiiskaasi oo uu Mareykanka ka baxo iney saameyneyso waddamada heshiiskan qaybta ka ah gaar ahaanna waddamada ka tirsan Gaashaan buurta Nato.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka waxay sheegtay Washington haddii ay heshiiskan ka baxdo inuu iyada si gaar ah u saameynayo maadaamaa ay dayaxgacmeedyo oo ay leedahay ay maraan hawada waddamadaasi, go’aanka Trump wuxuu sida oo kale saameynayaa waddamada heshiiskaasi qaybta ka ah ee adeegsada dayaxgacmeedyada noocaasi.