Sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters waxaa cudurka coronavirus laga helay madaxweynaha FIFA Gianni Infantino (50-jir).

Warkan ayay walaadda wararka Reuters ay kasoo xigatay FIFA qudheeda oo barageeda bulshada ku shaacisay.

Waxaa ay wakaaladdu sheegtay in muddo 10 casho ah uu iskiis isu karantiilay islamarkaana uu dareemayo calaamado yar-yar oo cudurkaasi ah.

Nuqul ka mid ah qoraalka ay FIFA soo saartay ayaa waxaa looga codsaday dhammaan dadkii ka agdhawaa amaba la kulmay maalmihii u dambeeyay in uu baaris isku sameeyo.

Arrintan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli xubno caan ah oo ka tirsan bahda kubadda cagta laga helay cudurkaasi COVID19.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*