Booliska Sweden ayaa gobolka Värmland ku xiray nin 25 jir ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu ka qayb qaatay rabshadihii ka dhacay magaalada Örebro intii lagu jiray Ciidda Easter-ka sanadkii 2022.
Rabshadahaasi ayaa ka dhashay qorshihii siyaasiga midigta fog ee Denmark, Rasmus Paludan, uu ku doonayay inuu ku gubo nuqullo ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah.
Ninkan ayaa looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa fal-dembiyeed culus oo lagu waxyeelleeyay hawlaha booliska, adeegyada ambalaaska iyo gurmadka degdegga ah. Dhacdooyinkaasi waxay ka dhaceen beerta Sveaparken ee magaalada Örebro iyo goobo kale intii lagu jiray Ciidda Easter-ka, qiyaastii afar sano iyo bar ka hor.
Sida ay boolisku ku shaaciyeen boggooda internetka, ninkan ayaa la xiray Sabtidii la soo dhaafay intii lagu guda jiray hawlgal baaritaan oo ay boolisku sameeyeen.
Waxaa la sheegay in ninkan ay hay’adaha amniga raadinayeen tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2024.
Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in xogta la hayo inteeda badan ay muujinayso in tuhmanuhu uu ku noolaa meel ka baxsan Iswiidhan muddadii ka horreysay xariggiisa.
Booliska ayaa xaqiijiyay in 17 qof oo kale ay weli ku jiraan liiska dadka la raadinayo, kaddib markii maxkamaduhu soo saareen amarro lagu soo xirayo iyaga oo maqan, kuwaas oo la xiriira rabshadihii dhacay Ciidda Easter-ka 2022.
Baaritaanka booliska ee ku saabsan dadkii ku lug lahaa rabshadahaas ayaa weli socda, iyadoo 17 qof oo kale ay weli sugayaan in la soo qabto.








