Home Wararka Caalamka Sida uu ninkan u badbaadiyay 300 oo qof isaga oo aan dabbaal...

Sida uu ninkan u badbaadiyay 300 oo qof isaga oo aan dabbaal aqoonin

0

Ivan Brizola, oo ka yimid Rio Grande do Sul, oo 59 sano jir ah, waligiis dabaasha ma baran. Laakiin markii daadad xooggan ay toddobaadkan ku dhufteen gobolka Brazil, waxa uu amaahday doon yar oo aanu waligiis horey u isticmaalin si uu u badbaadiyo dadka ay biyaha xannibeen.

Brizola ayaa u sheegay BBC News Brazil in markii ay roobabku bilowdeena uu walwalsanaa.

Isaga oo ku nool caasimadda Rio Grande do Sul, Porto Alegre, waxa uu maqlay digniino ka imanaya saaxiibada ka shaqeeya amniga oo sheegaya in khatartu ay soo dhowdahay oo uu dareemay in ay tahay in uu wax qabto.

Wuxuu bilaabay inuu u waco asxaabta iyo qoyska si uu ugaga digo khataraha ay la kulmi doonaan dhamaantood.

Gurigiisa, oo ku yaal Porto Alegre, wax saameyn ah kuma yeelan daadadka.

Isaga oo aan haysan wax dhar ah ama qalab samatabbixin ah oo aan ka ahayn doonta loo yaqaan Kayak, ayaa waxa uu daadadka dhexdooda ku bartay sida uu u maareeyo doonta.

“Waxa aan la yaabay waxa aan ku samayn karo doonta,” ayuu yiri Brizola, oo sheeganaya in uu ku jiro xaalad jireed oo aad u wanaagsan sababtoo ah noloshiisa oo dhan oo waxa sameeynayay tababarka kung fu ee Shiinaha.

Hadda waa macallin tababar, wuxuu ka shaqeeyaa tababbarka eeyaha, bandhigyada iyo daawaynta caafimaadka carruurta isagoo kaashanaya xayawaanka.

Maalintii labaad ee gurmadka, mar uu caawinayey dadka ku nool xaafadda Mathias Velho, ayuu hoos u eegay biyaha, wuxuuna arkay in halka hoose ay yaallaan baalayaasha korontada.

“Biyuhu waxay qiyaas ahaan gaareen ilaa 8 mitir,” ayuu yiri.

In kasta oo aanu aqoon dabaasha, haddana waxa uu sheegay in aanu cabsanayn, ee uu diiradda saarayay badbaadinta dadka.

“Sidaas darteed maan sheegi karin sida saxda ah maalinta ay tahay. Haddii aad weydiiso guud ahaan, waxaad ogaan doontaa oo kaliya in dadku ay isku urursan yihiin. “ayuu u sheegay BBC News Brazil.

Iyadoo uu kaashanayo mutadawiciin kale, Brizola waxay ka caawisay u wareejinta dhowr qof oo ku xayiran meelo ay adagtahay in la galo doomo waaweyn.

Sida laga soo xigtay sheekada wiilkiisa, oo sidoo kale ka caawiyay samatabbixinta, Brizola waxa uu caawiyay in ka badan 300 oo qof todobaadkii ugu dambeeyay, isaga oo aan xisaabin xayawaanka uu soo badbaadiyay.

“Maanta waxaan u tagnay inaan raadinno eey xanaaqsan oo ku xayiran dabaqa labaad ee dhismaha,” ayuu yiri Brizola.

“Dad dhowr ah ayaa isku dayay inay badbaadiyaan eyga iyo mulkiilihiisa. Laakin eyga ayaa soo weeraray. Markaasaan idhi, Ha iska tago, ayuu yiri, isagoo ku faanaya xirfadda uu eeyaha u leeyahay.

Doonta waxa uu sidoo kale ku badbaadiyay oday 90 jir ah oo la ildaran cudurka ilowshiyaha.

Isaga laftiisa ayaa si rasmi ah u noqon doona muwaadin sare toddobaadka soo socda, marka uu 60 jirsado. Inkastoo caafimaadkiisu wanaagsan yahay, dadaallada samatabbixinta ee uu sameeyay ayaa waxay ahaayeen kuwo joogto ah.

Daadadka ku dhuftay Rio Grande do Sul ayaa sababay dhimashada 107 qof iyo in 327,000 ay hooy la’aan noqdaan, waxayna daadadka guud ahaan saameeyeen 1.7 milyan oo qof oo ku nool 431 degmo.

Saadaashana waxay tilmaamaysaa in gobolka oo dhan uu wajihi doono roob badan iyo dabaylo xooggan dhammaadka isbuuca, marka loo eego saadaasha cimilada.

Brizola waxa uu isku dayaa in aanu niyad jabin waxana uu sheegay in uu tamar u hayo maalmo badan oo shaqo samatabbixin ah.

“Hal shay oo ay tahay in aan qalbiyadeenna ku hayno ayaa in qof kasta oo wax caawinaya, aanu niyad jabin marka ay musiibo jirto,” ayuu yiri. “Qof walba aad iyo aad buu u naxay.”

Waxa uu sheegay in, sida mutadawiciinta ay u samata bixiyaan dadka deegaanka, sidoo dadka kale laga rabo iyagana inay siyaabo kala duwan uga qeyb qaataan, sida inay dadka ka caawiyaan cuntada iyo biyaha.

Previous articleDagaal beeleed ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Shabeelada dhexe
Next articleShirka Madasha Wadatashi Qaran oo beri Ka Furmaaya Muqdisho iyo Qoor Qoor oo Soo Gaaray Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here