Home Wararka Maanta
0

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo u balan qaaday cid kasta oo keenta madaxa xubin ka mid ah kooxda Alshabaab in la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo doolar.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda.

Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Sh/Dhexe.

Sidoo kale Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee Dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca qaranka, waxaana uu u sheegay in cid kasta oo soo disha dhagarqabe Khawaarij ah la gudoonsii doono lacag dhan 5kun oo Doolar, halka loo qiimey doono agabka ay kasoo furtaan.

Previous articleMadaxweynaha Turkiga oo ugu Danbayn marti qaad u fidiyay dhiggiisa Suuriya
Next articleCiidamada Dowlada oo Howlgal Balaaran ku Qaaday Galgaduud (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here