Home Wararka Maanta Joogitaanka Ciidamada Burundi ee Somaliya oo lagu Kordhiyay 6 Bilood

Joogitaanka Ciidamada Burundi ee Somaliya oo lagu Kordhiyay 6 Bilood

0

Midowga Afrika ayaa u kordhiyay joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya muddo lix bilood ah, iyagoo sii ahaanaya qeyb ka mid ah howlgalka cusub ee AUSSOM.

Tani waxay imaaneysa kadib markii horey loo qorsheeyay in ciidamada Burundi ay ka baxaan dalka ugu dambeyn 30-ka Juun 2025.

Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo lagu xusay baahida degdegga ah ee lagu buuxinayo “meelaha bannaan” ee ka jira ciidamada AUSSOM, maaddaama dib u dhac uu ku yimid soo gudbinta ciidamada ka socda dalalka kale ee ku biiraya howlgalka, gaar ahaan Masar.

Ciidamada Burundi ayaa si kumeelgaar ah u sii joogaya si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale taageero siinaya dowlad-dhiska iyo sugidda amniga gudaha Soomaaliya.

Waxaa la rajeynayaa in inta lagu guda jiro lixda bilood ee kordhinta ah, dhammaan dalalka kale ee ciidamo ku biirinaya AUSSOM ay si buuxda u soo dhameystiraan diyaar-garowgooda.

Go’aankan ayaa muujinaya caqabadaha weli ka taagan kala-guurka laga sameynayo howlgalka ATMIS loona gudbayo AUSSOM, iyadoo arrimaha dhaqaalaha iyo qorsheynta ciidamada ay yihiin caqabado weli taagan.